Abidjan (Dawan)- Ademola Lookman ayaa ahaa xiddiga ciyaartii ay xalay Nigeria 2-0 ku garaacday Cameroon ciyaar ka tirsaneyd tartanka Qaramada Afrika 2023
Taageerayaal aad u fara badan ayaa ku sugnaa garoonka Felix Houphouët-Boigny ee magaalada Abidjan, maadama ay wada ciyaarayeen laba xul oo u sharraxnaa ku guuleysiga koobka kuwaas oo kala ahaa Cameroon oo 5 jeer qaaday koobka iyo Nigeria oo 4 jeer hanatay koobka.
Ciyaarta waxaa qaab firfircoon ku billaabay Cameron inkasta oo Nigeria dhalisay gool daqiiqadii 9-aad laakin uu ka diiday VAR.

Daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta ayay Super Eagles heleen goolkii kowaad kadib markii uu Victor Osimhen kubad fiican u dhigay saaxibkiis Lookman oo kubadda ku hubsaday shabaqa Cameron.
Cameroon ayaa awoodi waysay inay soo bareejeyso ciyaarta, waxaana mar kale laga dhaliyay goolki labaad dhamaadka ciyaarta.
Natiijadan ayaa uga dhigan Nigeria in ay ugu gudubtay wareega sideed dhamaadka, waxeyna wada ciyaari doonaan xulka Angola oo isaguna 3-0 uga soo badiyay Namibia.

Rigobert Song, Tababaraha Cameroon ayaa sheegay in ciyaartooydiisa ay u badan yihiin da'yar u baahan in ay helaan khibrad si ay u gaaraan guulo waaweyn laakin waxa uu cadddeeyay in ay muujiyeen ciyaar u qalantay in u ay gudbaan wareega xiga.
Dhanka kale, José Peseiro, Tababaraha Nigeria ayaa warbaahinta u sheegay in ay diiradda saari doonaa kulanka soo socda ee ay la yeelan doonaan Angola, isaga oo xusay in ay hadda u baahanyihiin nasiino iyo diyaar garoow xooggan.







