Jowhar (Dawan) –Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka Soomaaliya (NIRA) , ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay xafiis cusub oo laga hirgeliyay dowlad-goboleedka HirShabeelle, taasoo qeyb ka ah dadaalka lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada aqoonsiga qaranka.
Xafladda furitaanka ayaa ka dhacday magaalada Jowhar 19-ka Luulyo 2025, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Gudlaawe), Maareeyaha Guud ee NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), wasiirro, xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan NIRA, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.
NIRA ayaa sheegtay in xafiiskan cusub uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in hay’addu ay adeeggeeda gaarsiiso dhammaan dowlad-goboleedyada dalka. Aqoonsiga Qaranka ayaa la bixin doonaa si bilaash ah.





