Sool (Dawan)- Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa si rasmi ah u furtay xarunteeda saddexaad ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, taas oo laga hirgeliyay Xuddun oo ka tirsan Gobolka Sool, iyadoo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ballaarinayo adeegyada aqoonsiga bulshada ee deegaanada dalka.
Xarunta cusub ayaa ku biiri doonta xarumihi kale ee horay looga hirgeliyay Buhoodle iyo Laascaanood sanadkii 2025, taasoo muujinaysa horumar la taaban karo oo lagu gaarsiinayo adeegyada aqoonsiga bulshada meelaha fogfog ee dalka.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay NIRA, xaruntan cusub ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo nidaamka aqoonsiga qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo la rajeynayo in ay ka faa’iideystaan dadka deegaanka iyo kuwa ka ag-dhow.





