By Sayyid Omar
Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal qorsheysan oo xooggan ka fuliyey deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu dilay 16 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, sida lagu sheegay war saxaaafadeed ka soo baxay hay’adda.
Howlgalkan ayay sheegeen in uu dhacay xalay, laguna beegsaday horjoogeyaal iyo dagaallamayaal ka tirsan kooxda, kuwaas oo maalmo badan ku go’doonsanaa dhul hawd ah ee ku dhow Basro.
“Howlgalkan, oo labo mar oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta, ayaa lagu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha ilaa 16 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay go’doon ku ahaa dhul hawd ah oo u dhow deegaanka Basro.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.



