Hiiraan (Dawan) - Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 8 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay Khamiistii ka fuliyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.
Qoraal lagu daabacay barta rasmiga ah ee X (Twitter) ee NISA Maanta ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday guri ay kooxda Al-Shabaab ku kulansanayeen, iyagoo qorsheynayay falal waxyeello loogu geysan lahaa dadka deegaanka.
“Howlgal qorsheysan oo ay wada fuliyeen NISA iyo kaashanaya saaxiibada caalamka waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay NISA.



