Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay maanta oo Khamiis ah ku xaqiijisay in la dilay Axmed Dhubad Xidig, oo loo yaqaanay Sheikh Aadan Dheere, madaxa maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, intii lagu jiray howlgal qorsheysan oo ka dhacay Janaayo 27-deedii deegaanka Daniga Baaloow ee Shabeellaha Hoose.
Howlgalka, waxaa fuliyay cutubka gaarka ah ee “Gaashaan” ayaa sababay dhimashada Xidig ka dib markii uu isku dayay inuu iska caabiyo ciidanka ammaanka kaddib markii weerar lagu qaaday guri uu ku sugnaa.
NISA waxay sheegtay in Xidig uu ahaa shakhsi in badan la baadi goobayay oo kooxda ku biiray sanadkii 2008. Kahor inta uusan noqon madaxa maaliyadda gobolka Banaadir, waxa uu soo maamulay shabakadaha lacagaha iyo canshuuraha Al-Shabaab ee gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan, iyo Shabeellaha Hoose.




