Muqdisho (Dawan)- Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga aan sharciga ahayn ee lagula kacay Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad magaalada Muqdisho galabnimadii Isniinta, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.
Tan iyo markii ururka NUSOJ lagu soo wargeliyay in la xiray (Cali-nuur Salaad), ururku wuxuu la xiriiray madaxda iyo boliska labadaba, waxaana soo ifbaxday in xarigaas uu ahaa mid salka ku haya arrimo siyaasadeed, looga dan leeyahay in lagu raali geliyo dano siyaasadeed iyo kuwo ganacsi".
Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa yiri: “Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo sii daayo Wariye Cali-nuur Salaad. in la xiro wariye iyada oo aan loo soo marin hannaan sharci ah iyo nidaam sax ah, gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin, waxaana u cambaareyneynaa si adag.






