Johannesburg (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha urur goboleedka IGAD ayaa khudbad ka jeediyay shirkii dowladaha ku bahoobay ururka BRICS iyo dowladaha Afrika ee lagu soo gabagabeeyay magaaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Madaxweyne Ismaaciil ayaa khudabaddiisa uga hadalay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya isbaheysiga BRICS iyo dowladaha Afrika iyo in sidoo kale la ballaariyo dowladaha ururka BRICS.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in xiriir wanaasgan oo soo jiraan ah ka dhaxeeyo dowladda Shiinaha iyo Afrika kaas oo sannadihii danbe sii xoogeystay, isaga oo sheegay in ladba dhinac kawada shaqeeyaan iskaashiga maalgashiga, warashadaha, waxbarashada iyo isweydaarsiga khibradaha.
Geelle ayaa sheegay in Geeska Afrika aya ku noolyihiin in ka badan 300, oo milyan, taas oo tilmaameysa in Geeska Afrika u yahay dowladaha kale suuq iyo goob la maal gashan karo.
Madaxweyne Geelle ayaa xusay in isbeddelka cimiladu ku yeeshay saameyn xun gobalka Geeska Africa, wuxuuna ku baaqay in la xooojiyo dadaalada wax looga qabnaayo isbeddelka cimilada si looga hortago dhibaatooyin badan oo kusoo wajahan gobolka.





