Nairobi (Dawan)- "Soomaaliya waxa ay u baahan tahay mashaariicda IDA 21 si ay usii joogteyso guulaha la xiriira dib u habeynta dhaqaalaha", sidaas waxaa yiri, Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinaayay shirka madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka ee magaalada Nairobi.
Khudbad socotay ku dhawaad 9 daqiiqo ayuu Madaxweyne Xasan kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya qorshaha iyo waxyaabihii u qabsoomay, iyo arrimaha guud ee qaaradda Afrika.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka u leedahay Soomaaliya iyo dhamaan dalalka Afriika, si looga gudbo xaaladda jilicsanaanta ah ee ka jirta qaaradda Afrika loona helo mashaariic horumarsan oo wax u tara bulshada Afrika.
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku dhuftay in isbeddel ku yimid hay'adaha dowladda iyo ilaha dhaqaalaha ee Soomaaliya tobankii sano ee ugu dambeysay, taasna ay ku timid iskaashiga caalamka iyo hay'adaha dowladda
Xasan waxa uu tusaale usoo qaatay kororka ku yimid daqliga gudaha kaas oo kasoo xarooda canshuurta laga qaado ganacsatada Soomaaliyed, taas oo keentay in miisaaniyadda guud ee Soomaaliya ay sameyso isbeddel.






