Puntland, Soomaaliya – Hay’adda Qaramada Midoobay ee Isku-duubnaanta Gargaarka Bini’aadantinimo (OCHA) ayaa shaacisay in 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ay wajahaan dhibaatooyin bini’aadantinimo oo ba’an, iyadoo xaaladda ka sii dareysay sababo la xiriira abaaraha iyo colaadaha ka socda gobolka.
OCHA ayaa sheegtay in dhibaatooyinkaas ay ka dhasheen roobabkii Deyr ee 2024 oo hoos u dhacay iyo saadaasha xun ee roobabka Gu’ga 2025, taasoo keentay in dadka iyo xoolaha ay wajahayaan dhibaatooyin ba’an oo ku saabsan helitaanka biyo, cunto, iyo daaqsin. Waxaana sidoo kale sii xoojiyay dagaallo ka socda qaybo ka mid ah Puntland iyo colaadaha dhex mara beelaha, taasoo keentay barakac iyo xaalad nololeed oo adag.



