Nairobi (Dawan)- Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya (ONLF) ayaa shaacisay in dib loo dhigay Kalfadhigii Golaha Dhexe ee lagu ballansanaa inuu berri billaawdo. Go'aankaas waxaa laga soo saaray shir degdeg ah oo maanta uu yeeshay Guddiga Fulinta Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF)
Go'aankaan ayaa yimid kadib markii si qoto dheer loo eegay caqabadaha farsamo iyo taakulayn ee saamayn kara abaabulka iyo habsami u qabsoomidda Kalfadhiga, iyada oo Guddoomiyaha Jabahddu ka codsaday Golaha Dhexe in dib loo dhigo kalfadhiga.



