War-saxaafadeed ay Axaddii soo saartay, ONLF waxay sheegtay in dowladda Itoobiya ay ku guuldareysatay inay u hoggaansanto heshiiskii la saxiixay lix sano ka hor si loo soo afjaro colaadda muddada dheer ka jirtay deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Jigjiga, Itoobiya: Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya in ay jebisay heshiiskii nabadeed ee 2018, iyada oo sheegtay in xukuumadda Abiy Ahmed ay si nidaamsan u xadgudubtay heshiiskaas islamarkaana ay cabburin ku heyso codadka Soomaaliyeed ee dalkaasi.
Ururku wuxuu tilmaamay in xubnihiisa iyo taageerayaashiisa ay la kulmeen cadaadis iyo takoor siyaasadeed, oo uga yimid maamulka gobolka Soomaalida, kaasoo ay ku tilmaameen inuu yahay fuliyaha siyaasadaha dowladda federaalka Itoobiya ee lagu cabburinayo codadka madax-bannaan ee Soomaalida.
ONLF waxay sheegtay in Itoobiya ay ka hortimid dib u dhexgalka dagaalyahanadii hore ee ururka, diidday sharciyadda ururka, iyada oo ka mamnuucday liiska Komishinka Doorashooyinka Qaranka Itoobiya (NEBE), islamarkaana ay si khaldan ugu adeegsato magaca ururka si ay beesha caalamka ugu qanciso inay wadahadallo la leedahay, halka ay dhab ahaantii cadaadinayso metelaadda dhabta ah ee Soomaalida.
"Beddelkii ay wax ka qaban lahayd sababaha asalka ah ee khilaafka, xukuumaddu waxay dooratay xeelado kala qeybin iyo xukun ah, cadaadis dhaqaale, iyo awood militari," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ONLF.





