Oregon (Dawan) – Orodyahannada Kenya ee labada jeer ku guuleysatay Olombikada ee la dhoho Beatrice Chebet, ayaa taariikh sameysay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee 5000 mitir ku oroda in ka yar 14 daqiiqo.
Chebet ayaa rikoorkaan cusub ku dhigtay 13 daqiiqo, 58.06 ilbiriqsi, iyadoo ku burburisay rikoorkii hore ee 2.15 ilbiriqsi, kadib kulankii Prefontaine Classic ee Diamond League ee Mareykanka ka dhacay, Sabtidi.
Chebet oo rikoorka cusub ee 13:58.06 waxay ka jabisay rikoodhkii hore ee Tsegay oo ahaa 14 daqiiqo, Agnes Jebet Ngetich oo Kenya ka socotay ayaa ku dhammaystay kaalinta labaad iyadoo ku oroday 14:01.29, halka Gudaf Tsegay oo ka socota Itoobiya ay ku dhammaystiray tartanka kaalinta saddexaad waqti gaaraya 14:04.41.



