Islamabad (Dawan)- Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen – maanta oo Talaado ah – weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla waqooyi-galbeed Pakistan.
Mas'uuliyadda qaraxa waxaa sheegatay koox xiriir la leh Daalibaanka Pakistan.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiisha ammaanka ayaa sheegtay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Pakistan, iyagoo watay gaari xamuul ah.
Labada mas’uul ee ammaanka ayaa intaa ku daray in weerarka uu ka dhacay deegaanka Dera Ismail Khan oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, kaas oo ku yaalla duleedka deegaannada qabaa’ilka ee ka baxsan gacanta dowladda ee xadka Afghanistan.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee France-Presse, “Dad badan ayaa la dilay iyagoo hurda, waxa ayna xirnaayeen dhar rayid ah, sidaas darteed waxaan wali isku dayeynaa inaan ogaano in dadka dhintay ay dhamaantood ahaayeen ciidan.”
Kooxda Xarakada Jihaad ee xiriirka la leh Daalibaanka Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Ciidamada Pakistan kama bixin faahfaahin dheeraad ah weerarka.



