Islamabad (Dawan)- Qaramada Midoobay ayaa ka hor timid qorshaha ay dowlada Pakistan ku dooneyso in ay ku tarxiisho qaxootiga aan si sharci ah dalka kusoo gelin.
Dowladda Pakistan ayaa u qabatay qaxootiga sharciga aan heysan in ay dalka uga baxaan ilaa 1-da bisha November ee socota, iyada oo caddeysay in haddii muddadaas la dhaafo la tarxiili doono, sidoo kalena lala wareegi doona hantidooda.
Qaiser Khan Afridi , oo ah afhayeenka hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, ayaa sheegay in go'aanka dowladda Pakistan uu yahay mid aan la aqbali karin, isaga oo yiri "ma ahan in cadaadis la saaro qaxootiga, haddii ay baxayaan waa in ay ku baxan go'aan ay iskood qaateen"
Qaiser Khan, ayaa intaas raaciyay in Hay'adda UNHCR ay diyaar u tahay in ay Pakistan ka taageerto sidii loo samayn lahaa hannaan lagu maareeyo laguna diiwaan geliyo dadka qaxootiga ah ee u baahan ilaalinta iyo daryeelka caalamiga ah.
Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ilaa 1,300,000 oo Afghanistan ah in ay sharci qaxootinimo ku joogaan Pakistan, halka 880,000 oo kalena ay haystaan sharci u ogolaanaya inay sii joogaan Pakistan.


