Nairobi (Dawan) – Premier Bank Kenya ayaa soo bandhigtay “Premier Connect,” oo ah madal bangiyeed isku dhafan (omni-channel) oo ah tii ugu horreysa ee Kenya, taas oo isku xirta adeegyo maaliyadeed oo kala duwan iyadoo la deegsanyo hal barnaamij oo danabeysan. Daahfurka ayaa ka dhacay Khamiistii munaasabad heer sare ah oo lagu qabtay Nairobi.
“Premier Connect” waxay macaamiisha u sahlaysaa inay akoon bangi ka furaan gudaha abka iyagoo aan tegin xarunta bangiga, u diraan xawaalado in ka badan 100 dal, bixiyaan biilasha, iibsadaan badeecooyin, iyo inay ku iibsadaan xirmooyinka ku hadalka iyo internet-ka ee taleefoonka gacanta. Sidoo kale waxay bixisaa awood buuxda oo lagu maamulo kaararka bangiga, iyadoo u oggolaanaysa isticmaalayaasha inay daabacaan, xannibaan, dib u dejiyaan lambarka sirta ah (PIN), iyo inay sameeyaan xaddidaadyo adeegsi.
Madashu waxay qabataa wareejinta lacagaha bangiyada kala duwan iyo isbeddelka lacagaha, oo ay ku jirto beddelka Shilingka Kenya iyo Doolarka Maraykanka, iyo sidoo kale lacag-bixinta degdegga ah ee adeegyada dowladda ee danabeysan.
Amniga madasha ayaa la adkeeyay iyadoo loo marayo Aqoonsiga Wejiga (Face ID), lambarka sirta ah (PIN), iyo aqoonsiga faraha (biometric), taas oo hubinaysa helitaan ammaan ah oo ku habboon isticmaalayaasha.





