Muqdisho (Dawan) – Premier Bank ayaa Sabtidii ku dhawaaqay qiimo-dhimis weyn oo ku saabsan kaararka MasterCard ay bixiso. Kaarka caadiga ah (jireed) wuxuu noqonayaa $2, halka kaarka internet-ka (dhijitaalka ah) laga dhigay $1. Ololahan xaddidan ayaa ujeedkiisu yahay in kor loo qaado helitaanka adeegyada lacag-bixinta caalamiga ah.
Bangkigu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in dhammaan macaamisha ku adeegta Point-of-Sale (POS) iyo e-commerce ay ahaan doonaan bilaash muddada ololaha socdo.
Tallaabadan ayaa timid xilli tartanka u dhexeeya bangiyada Soomaaliyeed uu kordhayo, iyadoo bangiyo badan ay bilaabeen bixinta kaararka MasterCard iyo VisaCard si ay uga jawaabaan baahida sii kordheysa ee adeegsiga adeegyada maaliyadeed ee danabeesan.



