Muqdisho (Dawan)- Premier Bank ayaa hirgeliyay nidaamkii ugu degdegta badnaa ee lacag diris iyo helid bangiyeed ah ee abid ka hirgala dalka, kadib markii uu si rasmi ah ugu biiray bangiyada ka howlgala Bariga Afrika.
Lacagaha loo diro Soomaaliya ee maraya nidaamka Swift-ga Premier Bank ayaa hadda qaadanaya saacado kooban halka ay horay u qaadan jirtay muddo u dhaxeysa 5 maalin ilaa todobaadyo, waana adeeg uu la gaar yahay Premier Bank.
Tallaabadan ayaa xal u noqoneysa caqabado ay wajahayeen ganacsatada soo dejinta iyo dhoofinta ku howlan, hay’adaha dowladda, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka iyo horumarinta ka shaqeeya, shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee mushaarka ku hela bangiyada, maalgashadeyaasha iyo qurbojoogta lacagaha badan u dira dalkooda.






