Paris (Dawan)- Kooxda Paris Saint-Germain ayaa xaqiijisay ku guuleysiga horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 markii 12-aad kadib markii kooxda Olympique Lyonnais ay 3-2 uga badisay Monaco.
Paris ayaa bareejo 3-3 ah la gashay sabatidii lasoo dhaafay kooxda Le Havre, taas oo dib u dhigtay in ay u dabaal degto hanashada horyaalka Ligue 1 balse waxaa iyaduna guul darro la kulantay kooxda Monaco oo ku jirtay kaalinta labaad.
Kooxda Monaco ayaa 12 dhibcood ka hooseysa Paris Saint-Germain oo 70 dhibcood kula guuleysatay koobka, iyada oo ay 3 kulan ka harsantahay dhamaadka horyaalka
Kooxda PSG ayaa dadaal xoogan ugu jirta wadadii ay ku hanan lahayd dhamaan koobabka ay u tartameyso xilli ciyaareedkan oo ay qaarkood qaaday kuwa kalena ay joogto Final iyo semifinal.
Kooxda Paris ayaa haatan ku guuleysatay 10 ka mid ah 13-kii horyaal ee ugu dambeeyay tan iyo markii ay dowladda Qatar la wareegtay lahaanshaha naadiga sannadkii 2011.






