Bosaso (Dawan) – Ciidanka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen labo qof oo lagu sheegay xubno ka tirsan kooxda ISIS, xilli ay isku dayayeen in si qarsoodi ah ay ku soo galaan magaalada dekedda ah ee Bosaso sida uu sheegay cutubka.
Sida lagu sheegay bayaanka, labada nin ayaa ah muwaadiniin Itoobiyaan ah. Mid ka mid ah ayaa la sheegay inuu ku hadli jiray Soomaali kooban isla markaana uu sheegay inuu ka goostay kooxda ISIS. Ciidanku waxay intaas ku dareen in raggan lagu qabtay oo kaliya cunto qalalan iyo dhalo biyo ah.







