Garoowe, Soomaaliya – Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Ilyaas Osman Lugatoor, ayaa 5 May 2025 si cad u sheegay in beesha caalamka aysan wax taageero dhaqaale ah siinin Puntland oo dagaal adag kula jirto kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.
Hadalkaasi wuxuu ka jeediyay furitaanka Shirka Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland oo lagu qabtay magaalada Garoowe. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in Puntland si madax-bannaan u fulineyso howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish, iyada oo aan la helin maalgelin toos ah oo caalami ah, marka laga reebo taageero duqeymo hawada ah.
“Iyadoo uu socdo dagaal culus, hal doollar oo dhaqaale ah nagama soo gaarin beesha caalamka. Saaxiibbada naga taageeraya hawada mooyee, wax kale nagama taageerin,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay si buuxda u bixisay xuquuqda iyo mushaharka howlgalka iyadoo aan la helin taageero dibadeed, taas oo uu ku tilmaamay guul madax-bannaani ah oo la taaban karo.



