Garoowe (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland ayaa shalay hortagay Golaha Wakiillada Puntland, isaga oo ka warbixiyay waxqabadka wasaaradda, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha horyaalla hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Puntland.
Kulanka, oo ka dhacay fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 55-aad, ayaa lagu lafa guray tirada mashaariicda ka socda gobollada Puntland, iyadoo Wasiirku uu shaaciyay in gobolka Nugaal uu ka socdo 82 mashruuc, halka gobolka Raas Casayr uu ka socdo 8 mashruuc oo kaliya.



