Garoowe (Dawan)- Arday gaareysa 21,801 ayaa maanta oo Sabti ah u fadhiistay Imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta Jaamacadda Puntland State University ee magaalada Garoowe ka daah-furay imtixaanaadka shahaadiga isaga oo ardayda kula dardaarmay in ay si habsami leh u dhamaystaan imtixaanadka.
Deni ayaa sidoo kale ku bogaadiyay mas'uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dadaalka ay ku bixiyeen howlaha imtixaanka shahaadiga ah ee sannadka 2023/2024., iyaga oo muujinaya karti iyo isku filnaansho.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday wasaaradda waxbarashadda ee Puntland, waxaa imtixaanaadka u fadhiistay 21,801 arday oo isagu jira 12,155 oo ah wiilal una dhiganta 55.75% iyo 9,646 oo ah gabdho una dhiganta 44.25%.







