Soomaaliya, 24 Janaayo 2025 — Ilo kala duwan oo mucaarad ah ayaa u sheegay Dawan in hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ay ku heshiiyeen inay ka qaybgalaan madasha wadatashiga qaran ee la qorsheeyay in horraanta Febraayo lagu qabto Muqdisho.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay tan iyo Khamiistii la soo dhaafay kulan-kulanno isdaba joog ah ku yeesheen magaalada Nairobi, si ay u qiimeeyaan soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ku saabsan qabashada shirka wadahadalka qaran, sida ay sheegeen ilo-xogeedka.
Sida ay ilo-xogeedku tilmaameen, war-saxaafadeed laga filayo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu xaqiijin doonaa oggolaanshaha mucaaradka ee ah in la dhiso guddi farsamo oo matala, kana qayb qaata diyaargarowga geeddi-socodka wadahadalka.




