Dowlada Goboleedka Puntland ayaa sii daayay toddobo kalluumaysato oo u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo ku dhowaad laba bilood ku xiran magaalada Boosaaso kadib markii lagu qabtay iyaga oo si sharci-darro ah uga kalluumaysanaya biyaha Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ay soo saartay Safaaradda Jamhuuriyadda Yemen ee Soomaaliya 16-ka Juun 2025, sii daynta kalluumaysatadan waxay timid kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo dhex maray dowladda Yemen iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Kalluumaysatadan ayaa lagu eedeeyay inay ku shaqaysanayeen xeebaha Puntland iyaga oo aan haysan ruqsad sharci ah oo ka timid Wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulkaas — taasoo jebinaysa xeerarka kalluumeysiga iyo madaxbannaanida biyaha Soomaaliya.
Safaaraddu waxay ku boorisay muwaadiniinteeda inaysan u kalluumaysan biyaha Soomaaliya iyaga oo aan haysan oggolaansho rasmi ah. “Waxaan mar kale ku celinaynaa in kalluumaysatada Yemen ay ixtiraamaan sharciga Soomaaliya, isla markaana ay helaan ruqsad sax ah ka hor inta aysan u dhaqaaqin biyaha dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.







