Boosaaso (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in ciidamadooda amniga badda ay gacanta ku dhigeen markab siday hub, kaas oo kusoo ay sheegene inuu u soo gabaad doontay xeebta Bareeda ee gobolka Bari, kadib markii ay la kulmay dabaylo xooggan oo badda ka jiray.
Qirashada Puntland ayaa timid kadib markii Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, uu qoraal kusoo daabacay bartiisa Facebook, isagoo sheegay in markabku haatan amnigiisa la sugay, baaritaanna lagu wado.
"Markab hubsida oo Dabaylaha badda ka dhacaya kaga soo gabaday xeebta Bareeda ee Puntland ayaa ciidanka ammaanka Puntland qabteen, amnigiisana waa la sugayaa. Waa la baadhayaa, wixii kasoo kordha warbaahinta waanu la wadaagi doonnaa," ayuu yiri Wasiir Dirir.





