By Asha Elmi
Gaalkacyo, Soomaaliya – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Cabdullaahi Sheikh, ayaa beeniyay in tacaddi loo geystay ganacsato ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo baraha bulshada lagu soo badhigay sawiradooda iyagoo gacmaha iyo lugaha ka xiran.
Guddoomiyaha ayaa sheegay 10 Juun 2025 in ganacsatadan ay iyagu raali ka yihiin in la xiro si loo bixiyo magta nin 19 sano ka hor la dilay oo loo haysto beesha ay kasoo jeedaan ganacsatadan.
Waxa uu sheegay in nimankaan xiran aysan cid qabiil u xirneen, dhibna aan loo geysan sida loogu faafiyay baraha bulshada oo ay ku xiranyihiin amar maxkmad.Faysal ayaa sidoo kale sheegay in ninka dilka geystay aan la soo qaban maamulka ay kasoo jeedaan ganacsatadan, magtiina aysan dhoobin. Markii ay heshiis gaareen, ganacsatada iyo reerka qofka la dilay waxay ku heshiiyeen in maxkamad la isla tago.







