Puntland Oo Si Adag U Beenisay In Ay Ku Lug Leedahay Dagaalka Suudaan
Garoowe, 7 November 2025 (Dawan) — Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in ay ku lug leedahay dagaalka ka socda dalka Suudaan, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas dacaayad iyo been abuur lagu doonayo in lagu dhaawaco sumcadda iyo xiriirka wanaagsan ee Puntland la leedahay waddamada deriska ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland aysan wax xiriir ah la lahayn dagaalka Suudaan, isla markaana waxay cambaareyneysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ku eedeeysay faafinta warar aan xaqiiq ahayn.
“Sudan waa Dal aan walaalo nahay, waana ka xunnahay dagaalka sokeeye ee dhexdooda ka socda, waxaana u rajaynaynaa Nabad iyo xasilooni degdeg ah.”ayaa lagu yiri bayaanka.






