Boosaaso, Soomaaliya – Dekedda Boosaaso ayaa xalay dhoofisay 80,000 xoolo ah gaar ahana Ariga oo loo diray Sacuudi Carabiya, Cumaan iyo Yemen, taasoo bilaab u ah dhoofinta xoolaha ee bisha carafo iyadoo xoolahaan lagu qaaday laba markab iyo shan doonyo.
Munaasabadda dhoofinta xoolaha ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Puntland, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada Maxamed Faarax, Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda Shakir Maxamed, iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Shire, iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Maaliyada Maxamed Faarax ayaa sheegay in Puntland ay xoogga saarayaan maalgelinta xoolaha iyo dhaqashadooda, isagoo tilmaamay in xooluhu yihiin "ilaha dhaqaale ee Puntland." Wuxuu sidoo kale ku baaqay in Soomaalida, gaar ahaan kuwa Puntland, ay maalgelin dheeraad ah ku sameeyaan xoolaha iyo dhaqashadooda si loo dardargeliyo horumarka dhaqaalaha.
“Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida, gaar ahaan kuwa Puntland, in ay maalgelin dheeraad ah ku sameeyaan xoolaha, dhaqashadooda, badintooda iyo naaxintooda, si aan u badino maadaama ay xooluhu yihiin batroolka aan hadda heysanno,” ayuu yiri Maxamed Faarax.



