Puntland – 8 Janaayo 2026 (Dawan)- Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garoowe ku qabtay kulamo wada-tashi ah oo uu la yeeshay xildhibaannada heer gobol iyo heer federal, si looga wada hadlo doorka Puntland ee dhismaha dawladnimada Soomaaliya iyo isbeddellada amniga iyo siyaasadda ee ka socda Geeska Afrika.
Kulamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Ilyas Cismaan Lugatoor, xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyo masuuliyiin xilal ka soo qabtay Puntland. Sidoo kale, ka qaybgalayaasha waxaa ka mid ahaa Senator Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Maxamuud Ciise.







