Puntland waxay sheegtay in ey dishay xubno ka tirsanaa Daacish kuwaas oo weerar soo qaaday.
Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in xalay xubno ka tirsan Daacish ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Dhasaan Sare ee buuraleyda Calmiskaat.
Ciidamada ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay xubnihii Daacish ee weerarka soo qaaday.
Puntland ma aysan sheegin tirada xubnaha Daacish ee lagu dilay aagga Dhasaan Sare walow ey soo bandhigeen tiro meedad ah, oo ay sheegeen in ay yihiin xubnihii ay dileen






