Soomaaliya, 19 Oktoobar 2025 — Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Goboleedka Puntland ayaa heshiis deeq waxbarasho la gashay Jaamacadda Pwani ee dalka Kenya, kaas oo loogu talagalay in shaqaalaha wasaaradda ay sii wataan waxbarashada heerka Master-ka.
Barnaamijkan, oo loogu magac daray Kalluun Scholarship Program, ayaa lagu xoojinayaa xirfadaha farsamo ee maamulka kalluumeysiga iyo horumarinta waara ee khayraadka badda ee Puntland.
Heshiiska waxaa Sabtidii magaalada Garowe ku saxiixay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Abdirisak Abdulahi Haga; Wasiir Ku-xigeenka Mohamoud Ali Gabah; Guddoomiyaha Jaamacadda Pwani, James Kahindi; iyo Hormuudka Kuliyadda Culuumta Badda iyo Kalluumaysiga, Bernerd Fulanda.
Xafladda saxiixa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Shaqada, Cabdirahman Habarwaa; Hantidhowraha Guud, Cismaan Maxamuud Cali; iyo maamulayaal ka socday jaamacadaha gobolka, oo ay ka mid yihiin East Africa University iyo CityCot.






