Garoowe(Dawan)– Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay eedeynta ka timid Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo ku saabsan in Puntland ay afduubtay markabka MV Sea World, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas kuwo aan sax ahayn oo aan sal lahayn.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland xalay ayaa lagu sheegay in 18kii Luulyo 2025, Ciidanka Badda Puntland (PMPF) ay qabteen markabka MV Sea World kadib markii uu muddo laba maalmood ah ku sugnaa xeebaha Bareda ee gobolka Ras Asayr.
Puntland ayaa sheegtay in ay u tageen markabka si ay u xaqiijiyaan xogta sirta ah ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqyadii shaki-galayay ee markabkaas, iyada oo sheegtay in ciidanku gacanta ku dhigeen markabka iyo alaabta ku jirta si looga hortago in ay ku dhacdo gacanta kooxo aan mudneyn.
Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in isla maalinkii markabka la qabtay, ganacsatada Soomaaliyeed oo Muqdisho ah ay la xiriireen, iyagoo sheegtay inay leeyihiin alaabta markabka ku saaran, waxayna codsadeen in markabka si degdeg ah loo sii daayo sida ay puntland sheegtay. Sidoo kale, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa wargaliyay Puntland in alaabta markabka ay tahay mid ay leedahay dowladda Turkiga.
“Puntland ayaa go’aansatay in markabka MV Sea World loo soo dejiyo Dekedda Boosaaso si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.



