Soomaaliya, 02 November 2025 — Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqday in jebinta amarka lagu mamnuucay kalluumeysiga Aargoostada laba bil ka hor ay noqon doonto dambi ciddi lagu helana laga qaadayo tallaabo sharci ah, iyadoo la xaqiijiyay in amarku si buuxda u dhaqan galay, amarkaan lagu mamnuucay kaluumeysiga Aargoosatada ayaa ku eh 31 December.
Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, oo shirka jaraa’id qeyb ka ahaa ayaa sheegay in cid kasta oo isku dayda inay ugaarsato ama dhoofiso Aargoostada inta lagu jiro xilliga taranka ee la mamnuucay kalumesigeeda sharicaga la hor keeni doono. Waxa uu sidoo kale ku daray in dadka jebiyay sharciga qaarkood horay loo soo qabtay, halka kuwa kalena lagu raad joogo.
“Cid fasaxday ma jirto. Ciddii lagu qabto jebinta amarka waxaa la horkeeni doonaa sharciga,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.
Sidoo kale, Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa sheegay in go’aanka dowladda uu yahay mid ku saleysan ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland, gaar ahaan xilliga noolaha badda iyo taranka Aargoostada.





