Garoowe (Dawan)– Suldaan Saciid Maxamed Garaase, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Puntland, ayaa si cad ugu baaqay hoggaanka Puntland inay muujiyaan mowqif rasmi ah oo ku saabsan go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, isaga oo ka digay in aamusnaanta arrintan ay dhaawacayso sumcadda siyaasadeed ee Puntland isla markaana halis gelin karto midnimada Soomaaliya.
Suldaanka ayaa fariin adag u diray madaxda Puntland oo weli aan wax war ah ka soo saarin go’aanka Israa’iil, isagoo xusay in sharafka iyo awoodda Puntland ay ku dhisan yihiin karaamada shacabka iyo kaalinta ay leeyihiin dhaqanka iyo isimada, isla markaana aan la aqbali karin in hoggaan mas’uul ah uu ka aamuso arrin saameyn ku leh madax-bannaanida qaranka.
“Waxaanu yeeli karno maaha inay aamusaan oo dano iyaga u gaara ay 100 sano fadeexad aan ka go’in Puntland iyo Soomaaliya usoo hoyaan. Waxaanu aqbali doonaa midna maaha,” ayuu yiri Suldaanku, isagoo tilmaamay in go’aanno ku saleysan dano gaar ah ay yeelan karaan cawaaqib fog oo saameeya Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Suldaanka ayaa carrabka ku adkeeyay in hoggaanka Puntland laga sugayo war cad oo qeexaya halka ay ka taagan yihiin midnimada Soomaaliya iyo jihada ay rabaan inay raacaan. “War cad baa laga rabaa. Haddii ka maarmayn, Puntland ha caddaysto. Laba faras layskuma fuulo: Yuhuud iyo Soomaaliya, Puntland uma dhexeyn karto, waa in ay mid raacaan,” ayuu raaciyay.





