Garoowe (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa taageero buuxda u muujisay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyagoo ku biiray baaqa shir samatabixin qaran isla markaana ku adkeeyay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ka dego marka uu dhammaado muddo-xileedkiisu 15-ka May 2026.
Madasha Samatabixinta, gaar ahaan garabka mucaaradka, ayaa Axaddii si cad u sheegtay in “aan la aqbali doonin muddo kordhin wixii ka dambeeya 15-ka May 2026.”
Puntland ayaa mowqifkan ku celisay war-saxaafadeed ay soo saartay, iyadoo sheegtay in mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya uu ku xiran yahay in la ixtiraamo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda.
“Dowladda Puntland waxay ayidaysaa war-saxaafadeedkii ay maanta soo saareen Madasha Samatabixinta, waxayna ku celinaysaa baaqa ah in Madaxweynaha JFS, ee muddo-xileedkiisu ku egyahay 15-ka May 2026, uu talada dalka ka dego,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.



