Garoowe (Dawan)- Amar kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka, Daaga, iyo Isbedelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu joojiyay ilaa amar dambe dhismaha cusub ee taawarada Isgaarsiinta.
"Wasaaraddu waxay amraysaa in dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ay si degdeg ah u joojiyaan dhisidda taawarada isgarsiinta cusub ee xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka ilaa laga hubiyo in dhismaha taawarada cusub aysan waxyeello u gaysan deegaanka iyo bulshada" ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka ee Puntland.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay sii kordhayaan cabashada uga imaaneysa dadweynaha ee la xiriirta dhismooyinka taawarada isgaarsiinta, kuwaas oo laga dhisay xaafadaha dhaxdooda iyada oo aan la sameynin sahmin la xiriirta dhibaatada ay ku yeelan karaan deegaanka iyo dadka.



