Soomaaliya, 5 Febraayo 2026 (Dawan) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa mamnuucay samaynta kaamam barakac oo cusub oo aan qorsheysnayn, iyadoo amartay in la burburiyo kaamamka sida sharci-darrada ah u samaysmay, si loo fududeeyo gaarsiinta gargaarka bini’aadannimo xilli ay abaartu sii xoogaysanayso.
Go’aankan ayaa lagu ansixiyay shirka Golaha Wasiirrada Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Khamiistii maanta.
Maamulka ayaa sheegay in halkii laga abuuri lahaa kaamam cusub, gargaarka bini’aadannimo si toos ah loogu geyn doono barakacayaasha goobaha ay hadda degan yihiin.
“Waxaa la joojiyay samaynta kaamamka barakacayaasha ee aan qorsheysnayn, waxaana la farayaa hay’adaha ay khusayso in la burburiyo kuwa si khaldan u samaysmay, iyadoo gargaarkana lagu gaarsiinayo dadka goobaha ay ku sugan yihiin,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.





