Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa soo saaray amar adag oo lagu mamnuucayo keenista qaadka ee furimaha dagaalka, halkaas oo ay ciidamada howlgalka Hilaac kula dagaallamayaan kooxda Daacish.
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in keenista qaadka laga mamnuucay dhammaan fadhiisimada ciidamada howlgalka Hilaac, laga bilaabo 11-ka Maarso ilaa 21-ka Maarso 2025. Taliska waxa uu si cad u sheegay in cid kasta oo lagu qabto qaad geynta furimaha dagaalka ay la kulmi doonto ciqaab adag.
Amarkan ayaa si gaar ah ugu socday guddoomiyeyaasha degmooyinka Boosaaso iyo Balidhidh iyo sidoo kale ganacsatada qaadka ee ka shaqeeya gudaha Puntland.
Taliska ayaa caddeeyey in sababta go’aankan loo qaatay ay tahay arrimo la xiriira amniga, iyagoo xusay in qaadka uu saameyn taban ku yeesho dagaalyahannada la dagaallamaya kooxda Daacish, taasoo wax u dhimi karta feejignaantooda iyo awoodda dagaalka ee ciidamada.





