Uur-Caleed, Puntland– Taliska Ciribtirka Argagaxisada Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex ajaanib ah oo lagu helay rasaas iyo astaamo muujinaya inay xiriir la leeyihiin kooxaha dagaalka ka wada deegaannada Puntland.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska, raggan ayaa lagu qabtay dooxada ku teedsan Uur-Celeed, kaddib markii xogtooda ay ciidamada usoo gudbiyeen dadka deegaanka.
Ciidanka ammaanka ayaa sheegay in raggan la arkay iyagoo duruuf adag ka muuqato, jeebabkoodana laga helay rasaas iyo calaamado kale oo su’aalo dhalinaya.
Taliska Ciribtirka Argagaxisada Puntland ayaa xusay in baaritaan lagu sameyn doono saddexdan xubnood ee ajaanibta ah, si loo xaqiijiyo shakiga laga qabo ee la xiriira in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.



