Garoowe, 6 November 2025 (Dawan Africa) — Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland ayaa ku heshiiyay qorshe lagu hirgelinayo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland (PID) oo si rasmi ah u bilaabi doonta shaqadeeda 1-da Janaayo 2026, taasoo oo lagu casriyeynayo maamulka iyo diiwaangelinta muwaadiniinta.
Go’aankan ayaa lagu gaaray shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo uu wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, halkaas oo lagu falanqeeyay arrimo la xiriira hufinta maamulka iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladeed.







