Soomaaliya, 5 November 2025 — Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku qabatay munaasabad lagu sagootinayay 290 arday oo deeq waxbarasho u aadaya dalka Itoobiya, kuwaas oo isugu jira heerarka Bachelor, Master, iyo PhD.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, waalidiin, iyo ardayda helay deeqda waxbarasho. Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare, Cabdiraxmaan Jaamac Faarax, ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay dadaallada Puntland ay ku xoojinayso xiriirka waxbarasho ee ay la leedahay Itoobiya.
“waxaa sharaf noo ah in aan u adeegno ardayda Puntland oo aan deeq waxbarasho u raadino, sanadba sanadka ka danbeeya way siyaadeysaa fursadda deeqaha waxbarasho” ayuu yiri Cabdiraxmaan Jaamac Faarax.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Cabdi Cali Faarax, ayaa ardayda ku booriyay inay dadaal muujiyaan, una noqdaan safiirro wanaagsan oo dalkooda matala. Isagoo tilmaamay in ay sannad kasta kordhiso tirada deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda reer Puntland.







