Garoowe, Puntland – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u qaaday tallaabadii ugu horreysay ee lagu dhisayo nidaam aqoonsi dadweyne oo u gaar ah, kaddib markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu Arbacadii saxiixay Xeer Madaxweyne oo lagu dhisayo Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).
War rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in xeerkan uu dhaqan galayo isla marka uu Madaxweynuhu saxiixo, taas oo uu sameeyay maanta. Hay’addan cusub ayaa noqon doonta tan mas’uulka ka ah samaynta kaarka aqoonsiga Puntland, si buuxda uga madax bannaan nidaamka ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya (NIRA).
“Markii la tixgeliyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Madaxweynaha Puntland wuxuu xeeriyey in la dhiso Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID),” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.



