Boosaaso, Soomaaliya – Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland, Cabdirisaaq Cali Ismaaciil Shaahdoon, ayaa faahfaahin ka bixiyey geerida Cabdiraxmaan Shirwac Awsiciid Laahoor, oo horey loogu xukumay dil toogasho ah, isagoo lagu eedeeyey inuu amray dilalka dad badan oo reer Puntland ah.
Laahoor, oo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka ku dhawaad 100 qof oo isugu jiray ganacsato, saraakiil ciidan, isimmo, iyo nabadoonno, ayaa muddo dheer ka baxsanaa caddaaladda sida Puntland sheegtay. Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in Laahoor uu ku dhuumaaleysanayay buuraha Calmiskad, halkaas oo ay ciidanka Puntland ka wadeen howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Laahoor ayaa isi soo dhiibay waxaana la keenay magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ku dhintay xabsiga sababa xanuuno la xiriira da’diisa iyo xaaladdiisa caafimaad. Sida uu sheegay guddooomiyaha geeridiisa waxaa lagu caddeeyay warbixin caafimaad oo kasoo baxday Cusbitaalka Bandar Qaasim ee Boosaaso, wuxuu u geeriyooday dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin:





