Raas Casayr(Dawan) – Maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay in hubkii saarnaa markabka SEA WORLD ee lagu qabtay xeebaha gobolka Bari uusan Puntland ka gudbi doonin laba xaaladood midna, iyadoo sheegtay in midkasta oo xaaladahaasi ah ay si buuxda ula jaanqaadayaan mas’uuliyadda ay ka saarantahay amniga iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish.
Guddoomiyaha Raas Casayr, Cumar Cismaan, oo ka hadlay ayaa sheegay in haddii hubkaasi uu yahay mid sharci darro ah, uu hadda ku jiro gacan badbaado oo uu sheegya inay puntland tahay,sidoo kale, haddii uu yahay deeq milatari oo loo waday dowladda Federaalka, wuxuu xusay in ay Puntland hadda u baahan tahay si ka badan meel kasta, maadaama ay dagaal toos ah kula jirto kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka.
“Haddii markabkan uu khatar ku ahaa Soomaaliya, dowladda Puntland ayaa si buuxda u qabatay. Haddii uu ahaa deeq milatarina, maanta wuxuu ku sugan yahay meel dagaal toos ah lagula jiro Daacish,” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Cismaan.
Sida uu horay Dawan ugu xaqiijiyay masuul dowladeeed oo codsaday in magaciisa aan la shaacin, ma aha hubka saarnaa markabka mid sharci darro ah, si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku jiray markab ganacsi gaar loo leeyahay, arrintaas oo keentay su’aalo ku saabsan hufnaanta iyo isla xisaabtanka dowladda.



