Soomaaliya, 20 September 2025– Maamulka degmada Carmo ee Puntland ayaa habeenkii Jimce ah badbaadiyey saddex qof oo gaarigii ay saarnaayeen ku go’doonsanaa togga Buraan, kadib markii roobab xooggan oo deegaanka ka da’ay ay qaadeen.
Mas’uuliyiinta degmada Carmo ayaa sheegay in gaariga ay wateen raggaasi uu qaaday daad xooggan, taas oo sababtay in darawalka iyo kirishbooyadii saacado badan ku go’doonsanaadaan. Maamulka degmada ayaa abaabulay hawlgal loo adeegsaday dronta muuqaaladda oo xarig u geeyay, si loogu suurta-geliyo in mid mid loo soo saaro.
Sida uu maamulka degmada sheegay, dhammaan saddexdii qof ayaa si nabad ah loo soo badbaadiyey iyadoo aan wax dhaawac culus ah soo gaarin. Dadkii la badbaadiyey ayaa mahadcelin u jeediyey guddoomiyaha degmada Carmo iyo maamulka Puntland guud ahaan.
“Waan idiin mahadcelinayaa, gaar ahaan guddoomiyaha degmada Carmo oo nafteena soo badbaadiyey, juhdi badanna ku bixiyey in diyaarad drone noo soo diro,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka la soo saaray.





