Garoowe (Dawan) - Taliska Howlgallada Ladagaallanka Argagixisada Puntland ayaa sheegay in uu helay god ku yaalla buuraha Calmiskat, gaar ahaan inta u dhaxeysa Lugta Garared iyo Sul Sul, kaasoo ay sheegeen inaya adeegsan jireen kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Bayaan lagu faafiyay Isniintii barta X (horay Twitter) ee rasmiga ah ee laanta howlgalka ayaa lagu yiri:"Ciidamadeennu waxay heleen god tababar oo ay isticmaalaan Daacish, kuna yaalla inta u dhexeysa Lugta Garared iyo Sul Sul ee buuraha Caalmiskat."
Sawirro lasoo dhigay barta rasmiga ah ayaa muujinaya boorsooyin kala duwan, qalab koronto sida matoor, iyo qalab projector ah oo ay ku qoran yihiin qoraallo Carabi ah.




