Garoowe, Soomaaliya - Puntland ayaa soo saartay go’aamo ku saabsan xakameynta tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah ee ka dhaca garoomada Puntland. Go’aankan ayaa lagu soo saaray kadib kulan ay yeesheen Wasaaradaha Amniga, Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Taliye Ku-xigeenka Booliska Puntland, Laanta Socdaalka, iyo Maamulka Garoonka Garoowe.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland maanta ayaa lagu sheegay in shirka lagu soo saaray ilaa shan go’aan oo ay ka mid yihiin tallaabooyinka laga qaadayo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibinta ka shaqeeya.
“Waxa la go’aamiyay in si adag sharciga loo mariyo tahriibayaasha iyo shabakadaha ka shaqeeya tahriibta,” ayaa lagu yiri qoraalka.





