Garoowe, Puntland – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaday tallaabo adag oo cusub—soo-galitaanka ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka ayaa si rasmi ah loo mamnuucay laga bilaabo maanta, 19-ka Febraayo 2025.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay soo saaray amar Madaxweyne oo lagu mamnuucayo soo-galitaanka ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka ee kusoo gelaya deegaannada Puntland. Go'aankan ayaa dhaqan galaya laga bilaabo 19-ka Febraayo 2025.
Warqadda amarka Madaxweynaha ayaa si toos ah loogu faray dhammaan hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, sida Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyo Hay’adda Socdaalka, inay si degdeg ah uga hawlgalaan hirgelinta amarkan cusub.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri:
“Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka in aysan soo geli karin gudaha deegaannada Puntland.”
Amarkan ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Puntland, iyadoo looga gol leeyahay in laga hortago soo-galitaanka ajaanib sharci darro ah oo khatar ku noqon kara amniga gobolka. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dhawaan la soo saari doono xeer gaar ah oo nidaaminaya dal-ku-galka ajaanibta kusoo gelaya Puntland.



