Garoowe (Dawan)- Taliyaha Laanta Nabad Gelyada Wadooyinka ee Maamul Goboleedka Puntland, Gaashaanle Sare, Fataax Siciid Sulaymaan ayaa sheegay in 54 qof ay ku dhinteen, 800 oo kalena ay ku dhaawacmeen shilalka gawaarida ee ka dhacay sannadkaan sii dhamaanaya guud ahaan Puntland.
Taliyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in shilalka guud ee la diiwaan geliyay ay gaarayaan 17,011 Shil, kuwaas oo ay ku burbureen 800 oo gawaari iyo 500 oo Mooto Bajaaj ah.
Gaashaanle Sare, Fataax Siciid ayaa xusay in hoos u dhac ku yimid sannadkaan dadka ku dhintay shilalka marka loo eego sannadkii hore oo ay dhimashado ahayd 78 qof hadana ay tahay 54 qof.
Taliyaha ayaa ku sababeeyay hoos dhaca shilalka dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin wacyiga bulshada oo kordhay, tirada Taraafikada oo la badiay iyo dayactir ballaan oo lagu sameeyay waddooyinka Maamul Goboleedka Puntland.



